Bogga HoreNala XiriirDhagaxtuurWararkaSiyaasaddaMaqaalloSuugaantaBulshadaGoos GoosFarriimaha
Friday, July 03 2009
MAIN MENU
Bogga Hore
Nala Xiriir
Dhagaxtuur
Wararka
Siyaasadda
Maqaallo
Suugaanta
Bulshada
Goos Goos
Farriimaha
Raadi
Links
CAYAARAHA
VOA - SOMALI
BBC SOMALI
RIYADII KING WAXAY U RUMOWDEY OBAMA
HOGGAAMINTII MADAXWEYNE AADAN CADDE
WAREYSI: M.C.YUSUF
DUMARKA IYO CARRUURTU MA AHAN ARGAGIXISO
XAMAR MIYAA DIIDEY, MA SIYAASAD XUMAA U DIIDEY MISE C/HI BAA XAMAR DIIDEY?
DOODDII CABDI MUXUMAD IYO HOTEL JUBBA
MAANTA MAALIN KA XUN NAMA SOO MARIN
ABAAL MARIN LA GUDDOONSIIYEY CAASHA X. CILMI
LISTEN TO BBC'S REPORT ON SOMALI COMMUNITY
GANGS OR DISGRUNTLED YOUNGSTERS?
By Harun Hassan.
SHIRKADO MAREYKAN AH OO ISKU DAYEY INAY AFGAMBI KA RIDAAN MUQDISHO
CHAVES OO XIRIIRKA U GOOYEY ISRAA'IIL
XIRIIRKA AYAAN XIRSI IYO GUDDIGA YUHUUDDA MAREYKANKA
AAFADA AXADLEY
W.Q: C/qaadir Aroma
SODDON SIFOO SIXIRROOW SOOMAALI KU HAYSTO
SII AKHRI
CADAADIS KU HAGOOGAN AYAAN XIRSI CALI
Somali Links
CAYAARAHA
MO FARAX: RAJADA BRITAIN
BECKHAM OO SAXIIXEY HESHIIS GAARAYA $250 MILYAN
MO FARAX OO BILLAD DAHAB AH KU GUULAYSTEY
MO FARAX OO KU GUULEYSTEY BILLAD QALIN AH
ZIDANE OO LA GUDDOONSIIYEY KUBADDA DAHABKA AH IYO TAARIIKHDIISII

ENGLISH ARTICLES
CAYAARAHA
Qubanayaasha
MAQAALLO


Wararka
AMISON OO LAGU BAAQEY IN LA SIIYO AWOOD DHEERI AH OO AY ISAGA DHICIN KARAAN MUCAARADKA Print E-mail
Jul 02, 2009 at 03:38 AM

SIRTE, Libya, (Reuters) – Ciidaamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya waa in awood dheeri ah la siiyaa si ay u galaan dagaal ay dib isaga riixi karaan kooxaha mucaaradka ah ee dagaalka dawladda kula jira. Waxaa sidaa Reuters u sheegey Louis Michel, madaxa gargaarka bani'aadannimo iyo horumarinta u qaabilsan Midowga Yurub isagoo jooga magaalada Sirta ee Liibiya. Ciidamada gaaraya 4,300 askari ee ilaalinaya xarumaha dawladda waxay aniga aragtideyda u baahan yihiin in la siyo gacan xor ah, ayuu yiri mas'uulkaasi oo sii

Read more...
LABO SHUBHO OO DHIIG LOO DAADIYO OO LA QIIL TIRAY (BAYAAN AY SOO SAAREEN CULIMO WAAWEYN) Print E-mail
Jul 02, 2009 at 01:56 AM

Bayaan ay soo saareen laba ka mid ah culimada dunida muslimka ugu caansan ayaa loogu baaqay kooxaha Soomaaliya isku dilaya inay dagaalka joojiyaan iyadoo dhanka kalana uu bayaanku qaadaa dhigay laba shubho oo dhiigga daadintiisa lagu bannaystay taasoo ay diin ahaan u daah rogeen. Bayaanka oo ay soo saareen Sheekha Caalimka wayn ah (Callaamah) Cabdullaahi bin shaykh almaxfuud bin bayyah oo ah madaxa xarunta caalamiga ah ee cusboonaysiinta iyo toosinta iyo daktoor Cabdullaahi Cumar Nasiif oo isna ah madaxa shirweynaha dunida muslilmka ayaa bayaankooda uu u qornaa sidatan:

Read more...
MADAXDA DAWLADAHA GEESKA AFRIKA OO ARRIMAHA SOOMAALIYA UGA HADLAY LIIBIYA Print E-mail
Jul 01, 2009 at 02:51 AM

 Soomaaliya iyo 5-ta dawladood ee kale ee ku jira dalalka IGAD ayaa Talaadadii shalay magaalada Sirta ee Liibiya shir ku yeeeshey, waxaana ay ka soo saareen warmurtiyeed qodobadiisa ay ka mid ahaayeen in lasoo labanlaabo tirada ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya iyo in dalka lala gaaro kaalmo bani'aadannimo oo deg-deg ah. Afhayeen u hadlay shirkaas ayaa sheegey in ciidamada Afrika ee haatan jooga ay ku filan yihiin oo kaliya inay difaacaan xarumaha madaxtooyada iyo goobo cayiman balse aysan awood kasii dheer lahayn. Shirka waxaa ka qayb galay madaxweynayaasha Soomaaliya, Kenya, Suudaan iyo Itoobiya halka dawladaha Jabuuti iyo Yugaandhana ay metelayeen wasiiradoodaArrimaha dibedda.

SOOMAALIYA OO LA SIINAYO GAADIIDKA DAGAALKA EE DABBAABAADKA AH IYO HUB CULUS. Print E-mail
Jul 01, 2009 at 02:52 AM

Sarkaal u hadlay wasaaradda Arrimnaha Dibedda ee Mareykanka oo ay soo xiganaysay wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegey in kaalmada milateri ee dawladdiisu siisey Soomaaliya aysan intaas ku koobnayn balse ay sidoo kale celin doonto qarashka wixii hub iyo qalab milateri ah ee dal kale oo ka hoos shaqeynaya Midowga Afrika uu siiyo Soomaaliya. Warar kale oon rasmi ahayn ayaa sheegaya in ciidamada Ugandha ay dhowaan soo gaari doonaan tiro gaadiidka qafilan ah iyo hub kale oo ka imanaya dalka Ugandha, kuwaasi oo ay ku wareejin doonaan ciidamada Soomaaliyeed. kadib. Hubka dhowaan lasoo gaarsiiyey soomaaliya ayaa la sheegey in Mareykanku uu bixiyey lacag dhan $10 milyan balse hubku uu ka yimid dalalka Afrika.

SARKAAL MAGAALADA LONDON WAKIIL UGA AH XISBUL ISLAAM OO NIN CAREYSANI BUR KALA DAALEY Print E-mail
Jun 28, 2009 at 02:06 PM

Waxaa todobaadkii hore magaalada London ka dhacey dhacdo la yaab leh kadib markii nin careysani uu aqoonsadey nin ka mid ah dadka sida aadka ah u taageera maata-laynta ay kooxda Xisbul Islaam ka waddo Muqdisho. Nin goobjooge ahaa ayaa inoo sheegey in nin u yimid nin kale oo meel dad la taagan, waxaana uu si degan u weydiiyey 'hebel miyaad tahay, ninkii habeen dhoweyd TV-ga Universal ka hadlayey oo difaacayey Xisbul Islaam'. Ninkii ayaa ku jawaabey, 'haa' kadibna waxa uu ku yiri 'wax yar i sug'.

Read more...
WIIL KAMID AH WIILASHII AY KOOXDA AL-SHABAAB CURYAAMIYEEN OO LA SHEEGAYO INUU KA YIMID BRITAIN Print E-mail
Jun 28, 2009 at 02:01 PM

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in wiil ka mid ahaa 4 wiil oo ay addimo iyo lugo tireen kooxda fasahaadka ka wadda Soomaaliya iyadoo diin ku gabbanaysa ee Al-shabaab uu ka yimid dalka Britain. Wararka ayaa sheegaya in saraakiil katirsan dawladda Britain ay hubinayaan xaqiiqnimada warar ay heleen oo sheegaya in wiilkaasi markii hore loo qorey inuu ka mid noqdo kooxda diin la dirirka ah ee Al-Shabaab, hase yeeshee markii wiilkaasi uu isaga baxay kooxdaasi lagu soo eedeeyey inuu gaystey falal burcadnimo ah, kadibna la jarey gacan iyo lug is dhaaf ah. Ma jiraan warar illaa hadda xaqiijinaya in wiilkaasi hore uga tegey Britain.

IS-QARXINTU MA DHAQAN SOMALI BAA? - Muuse Yuusuf Print E-mail
Jun 28, 2009 at 01:59 PM

Waxaa dhawaan isku isqarxiyey magaaalada Baladweyne wiil yar oo da’diisa lagu qiyaasay 17 sano jir. Falka wiilka wuxuu sababey dhimasho kor u dhaaftay 40 qofood oo Somali Muslim ah, ayna ku jireen saraakiil sarsare oo ka tirsan dowladda midnimada qaran. Sida la wada ogsoon yahay tani ma ahan markii ugu horreysay ee dhallinyaro Somali ah ay is-qarxiyeen. Ilaa iyo 10 is-qarxisi ayaa ka dhacay Somaliya, inkastoo laga yaabo in dad shisheeye ay ku jiraan. Waxaana ugu horreeyay tii laga fuliyey Baydhabo taasoo loogu tala-galay in lagu khaarijiyo Cabdullahi Yusuf, madaxweynihii hore ee Dowladda Federalka. Waxaa kaloo jira dhowr is-qarxis ee lala beegsaday ciidamada Ethiopianka iyo kuwa AMISOM. Waxa intaas kuu dheer is-qarxisyadii ka dhacay Hargeysa iyo Boosaaso.

Read more...
AFRICAN UNION: FOCUS ON JUSTICE IN SOMALIA, CHAD - HUMAN RIGHTS WATCH Print E-mail
Jun 26, 2009 at 01:06 PM

 Libya Summit Participants Should Support International Criminal Court: (Johannesburg, June 25, 2009) – The African Union should urge the United Nations Security Council to set up a commission of inquiry to document the worst human rights abuses in Somalia, an essential first step in creating justice and accountability, Human Rights Watch said in a letter released today. The letter was sent in advance of the AU Summit meeting in Sirte, Libya on July 1-3, 2009.

Read more...
XILDHIBAAN IS CASILEY & TIRO AAD U YAR OO XILDHIBAANNO AH OO MUQDISHO KU HAREY Print E-mail
Jun 25, 2009 at 02:11 PM

 C/lla Xaaji Cali oo ka soo jeeda Somaliland ayaa ku dhawaaqey inuu iska casiley xubinnimadii Golaha Baarlamaanka, iyadoo loo malaynayo inuu doonayo inuu dib ugu laabto Hargaysa oo uusan tegi karin isaga oo ah xubin Baarlamaan. C/lla waxa uu ka tirsanaa dhowr Xildhibaan oo hore warqad ugu direy QM ay ku codsanayaan in in la iska halmaamo Koonfurta oo dagaalladoodu dhammaad lahayn hlkeediina la xoojiyo dhaqaalena la siiyo Puntland iyo Somaliland. Dhinaca kalena tiro yar oo Xildhibaanno ah ayaa ku soo hare Muqdisho kadib markii dagaallada Muqdisho ay sii xumaadeen iyagoo kala aadey dalalka deriska qaarkoodna Yurub, taasi oo caqabad ku ah in Baarlamaanku kulan yeesho. Dhinaca kale dagaal oogaha Muqdisho X. D.Aweys ayaa ku goodiyey dagaal hor leh iyadoo xaaladda bani'aadannimo ee Muqdisho ay meel halis ah gaartey.

HALKEE SOOMAALIYA U SOCOTAA? Shariifka TFG-da, Xasan Daahir iyo Al-Shabaab xagee Somaliya Ku wadaan? Print E-mail
Jun 25, 2009 at 02:39 AM

ImageFAALLO SAADAALINEYSA HALKA AY SOOMAALIYA U SOCOTO; Waxaan ku bilaabayaa magaca Allaha weyn ee naxariista, Rasuulkeena suuban SCW waa run sheegay markii uu yiri: “Waqti waliba kan ka danbeeya ayaa ka shar badan” micnaha xadiiskani si baraatiko ama camali ah ayuu inoogu dhacay, laba bilood kadib markii la riday Maxamed Siyaad Barre iyo dowladiisii ayay dadku u shalaayeen oo la wada qiray inuu Duqu ka roonaa kuwii ka danbeeyay ee qabqableyaasha ahaa “duqa hala doono ducana haloogu daro” waa tii lagu maansooday.

Read more...
WASIIRRO IYO WAXGARAD SOOMAALIYEED OO XUS BAROORDIIQ AH LONDON UGU SAMEEYEY CUMAR XAASHI (Sawirro) Print E-mail
Jun 22, 2009 at 01:24 PM

Shan xubnood oo ka tirsan Golaha Wasiirada, siyaasiyiin hore iyo waxgaradka jaaliyadda London ee UK ayaa munaasabad baroordiiq ah u sameeyey Allaha u naxariistee Cumar Xaashi Aadan wasiirkii amniga iyo waxgaradkii kale ee reer Hiiraan ee si laga tiiraanyoodo loogu laayey magaalada Beledweyne. Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyadda xaafadda Edmonton ee Waqooyiga London oo ka dhacdey maqaayadda ISTANBUL waxaa dadkii ka qaybgalay ka mid ahaa wasiirka hawlaha guud & Guriyeynta Maxamed Cabdi Yuusuf, C/risaaq Cusmaan Juriile, wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, C/raxmaan C/Shakuur, wasiirka Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah, ra'iisulwasaare-ku xigeenkii hore Axamed C/Salaan, waxaana khadka Telefonka uga qayb galay ra'iisulwasaare-ku xigeenka ahna wasiirka Maaliyadda Shariif xasan Sh. Aadan iyo wasiirka Arrimaha Gudaha Sh. C/qaadir Cali Cumar.

Read more...
SUICIDE BOMBINGS AND FAILED COUPS....!! - Muuse Yuusuf Print E-mail
Jun 21, 2009 at 01:04 PM

The suicide bombing in Beletweyne that killed the security minister, Omar Hashi, is not the first of its kind in Somalia’s current political turmoil, in which hardliner “Islamists” have tried to eliminate a prominent member of a Somali government. Also, the latest attempt to topple the National Unity Government “TFG-II” in Mogadishu is not the first of its kind. Let us look back at recent history. It was September 2006 when in Baydhabo a suicide bomber failed to assassinate colonel Abdullahi Yusuf, former president of the Transitional Federal Government (phase I).

Read more...
ITOOBIYA OO SHURUUD KU XIRTEY CODSIGII DAWLADDA SOMALIYA EE IN CIIDAMMO LALA SOO GAARO Print E-mail
Jun 21, 2009 at 05:03 AM

Afhayeen u hadlay dawladda Itoobiya oo lagu magacaabo Bereket Simon ayaa sheegey in dalkisu uusan ciidammo u direynin Soomaaliya haddii aysan beesha caalamku si rasmi ah u qaadan tallaabo caalami ah oo lagu difaacayo dawladda Soomaaliya. Afhayeenka ayaa sheegey in loo baahan yahay sharciyad caalami ah ama 'mandate' ay beesha caalamku ku guddoonsato in gacan la siiyo Soomaaliya, markaas oo kaliya ayeyna Itoobiya gacansiin kartaa Soomaaliya sida uu afhayeenku sheegey. Waxaana uu sii raaciyey in dalalka deriska ah oo kaliya aysan soomaaliya caawin karin

Read more...
ORODYAHANKA BRITAIN EE MO FARAH OO 5-TA KUN KU GUULAYSTEY TARTAMADII DALALKA YURUB Print E-mail
Jun 21, 2009 at 05:05 AM

Orodyahanka Maxamed Faarax ee u orda dalka Britain ayaa shalay ku guulaystey orodka 5,000m ee tartamada ciyaaraha fudud ee qaaradda Yurub ee ka socda dalka Boortaqiiska. Mo Farah ayaa si sahlan kaga dheereeyey oo in kabadan 10 tallaabo ka horreeyey orodyahankii ugu soo dhowaa ee reer Spain. Mo Farah oo dhalasho ahaan Soomali ah ayaa orodyahannada Afrika ay tartamaada Olombika iyo adduunkaba kaga badiyaan halka isaguna uu ugu haysto tartamada Qaaradda Yurub. Dalka Britain ayaa haatan hal dhibic ku hoggaaminaya isugaynta dhibcaha guud ee kala horreynta dalalka Yurub iyadoo dalka Ruushkuna uu yahay kan ugu soo xiga, halka Faransiiskuna ku jiro kaalinta 3-aad.

SOMALIA: END INDISCRIMINATE SHELLING IN MOGADISHU – AMNESTY INTERNATIONAL Print E-mail
Jun 20, 2009 at 12:00 AM

Amnesty International today reiterated its calls to all parties to the armed conflict in Somalia to immediately end indiscriminate attacks that cause civilian deaths and injuries, following the killing of at least 13 worshippers when a mosque was hit by a mortar on 17 June in Mogadishu.

DILKA MUJAAHID CUMAR XAASHI WAA DHABAR-JEBIN LAGU LAYNAYO CID KASTA EE DALKA & DADKUBA FIIRSANAYAAN Print E-mail
Jun 19, 2009 at 12:00 AM

Muuse Carraale oo ah afhayeenka kooxda Xasan Daahir Aweys ee u qaaddumaysa Afawerki ayaa si nacsnimo ah ugu faaney inuu aad u soo dhoweynayo dilkii foosha xumaa ee jawaasiista Al-Shabaab u gaysteen waxgaradkii reer Hiiraan iyo halyeygii ahaa hoggaamiyihii Muqaawmada ee gacntiisa midig kula dirirey cadawgii Itoobiya ee dalka ku soo duuley. Allaha u naxariistee Cumar Xaashi waxaa uu astaan u ahaa halganka ay umadda Soomaaliyeed ku jirto, ma ahayn weligiisna ma noqon dagaal-ooge ee waxa uu ahaa waddani dawlad kasta ee ummadda Soomaaliyeed loo soo dhisey la soo shaqeeyey. Kooxdan cadawga ummadda Soomaaliyeed ah waxa ay hore u dileen iskuna dayeen inay khaarijiyaan

Read more...
MADAXWEYNE SHARIIF OO SHACABKA SOMALIYED UGU BAAQEY INAY KAWADA QAYBGALAAN DIFAACA DALKA Print E-mail
Jun 18, 2009 at 01:05 PM

Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed oo maanta shir-jaraa'id ku qabtey magaalada Muqdisho ayaa sheegey in la sameeyey Maxkamada Ciidamada qalabka sida oo loogu talo galay inay waxka qabato tacadiyada ay gaysanayaan ciidamadu marka ay hawlgallada samaynayaan. Furitaanka Maxkamaddan ayaa muujinaysa in Dawladdu ay xilligan diyaarisey ciidammadii ka hawlgeli lahaa Muqdisho, waxaana uu madaxweynuhu sheegey in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay dawladda ku gacansiiyaan kooxaha dadka gawracaya oo haddana maydkooda gubaya, waxaana uu sheegey in dadkani ay yihiin dad shisheeye ah iyo kuwo u shaqeeya oo doonaya inay dalka qabsadaan, waxaana uu tilmaamey inay inta Calanka Soomaaliyeed dejiyaan ay surtaan mid madow ayna laynayaan qof kasta ee mas'uul ah ama waxgarad ah.

CUMAR XAASHI AADAN OO KU SHIHIIDEY, WEERAR IS QARXIN AH OO KA DHACAY MAGAALADA BELEDWEYNE Print E-mail
Jun 18, 2009 at 12:32 PM

Wasiirkii hore ee Amniga Allaha u naxariistee Cumar Xaashi Aadan ayaa ku geeriyoodey weerar is qarxin ah oo ay geysteen kooxda Shareeco-diiidka ah ee Al-shabaab. Qaraxa ayaa la sheegey inuu burburiyey qaybo ka mid ah Hoteel ku yaalla magaalada Beledweyne, markii gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxaha oo si xawli ah ku soo jiirey ilaaladii uuna isku dhex qarxiyey goob ay xubnuhu joogeen iyaga oo isu diyaarinayey inay baxaan. Waxaana sidoo kale la sheegayaa inay dhimashadu gaareyso 22 qof oo ay ku jiraan duqeydii magaalada, kuwii Maxkamadaha, culimadii iyo C/Kariin Laqanyo oo mar Soomaaliya safiir uga ahan jirey dalka Itoobiya.

AL-SHABAABKU MA GUULWADEYAAL BAA?!! - Muuse Yuusuf Print E-mail
Jun 17, 2009 at 01:19 PM

Sanadku waa 1970-yadii, guud ahaan waddanku wuxuu la ciirciirayaa fikradda Hantiwadaaga Cilmiga Ku Dhisan. Hadalka iyo haasaawaha ugu weyn magaaalada waa kacaanka barakeysana oo la leeyahay wuxuu ka badbaadinaya umadda jahliga, aqoondaridda, qabiil, musuqmaasuq, eex, gaajo iyo cudurada wax dila. Kacaanku wuxuu xambaarsan yahay mabda’a hantiwadaaga oo ay horboodayaan kaadiriin iyo aqoonyahaan kusoo takhasuusay cilmiga Hantiwadaaga oo ay ku soo barteen waddamadii leysku dhihi jiray Midowga Soviyeet (Ruushka).

Read more...
DR. CULUSOW – SIYAASI AQOONYAHAN AH, KAABA-QABIIL MISE DAGAAL-OOGE? Print E-mail
Jun 15, 2009 at 02:33 PM

Maalmahan waxaa rugo badan oo dariishadaha wararka laga akhristo ah iiga soo horbaxayey qoraallo si isdaba joog ah isaga soo daba dhacayey oo uu soo gudbinayey Dr. Maxamuud Maxamed Culusow. Anigoo si gaar ah tixgelin u siiya qoraallada ka yimaada dadka derajooyinka aqooneed sheeganaya iskuna daya inaan akhriyo bal inaan kala kulmo macluumaad waxtar leh ayaan hadana si gaar ah u danaynayey inaan wax ka ogaado aragtida siyaasadeed ee Culusow iyo halka uu iska taagey xaallada cakiran ee dalka maadaama aan hore ugu ogaa inuu mar ahaa amaba weli yahay hoggaamiye beeleed. Qoraalladaas oo aan kala kulmey aragti muuqaal madow ka bixinaysa shaqsiyadda Culusow iyo kaalintiisa siyaasadeed ayaan qoraalkan wax kaga tilmaami doonaa.

Read more...
WASIIRRADA ARRIMAHA GUDAHA IYO CAAFIMAADKA OO SOO BOOQDEY BUKAANNADA JIIFA ISBITAALKA MADIINA Print E-mail
Jun 13, 2009 at 02:33 PM

Wasiirrada dawlada u qaabilsan arrimaha Gudaha Sh.Qaadir Cali Cumar iyo caafimaadka Qamar Aadan Cali ayaa soo kormeerey xaaladda bukaannada jiifa isbitaalka Mediina. Mas'uuliyiinta ayaa hadba dul-joogsanayey sariiraha ay jiifaan dadka bukaanka ah oo qaarkood inta isbitaalkii buux dhaafiyeen ay daad sanaayeen geedaha hoostooda iyo goobo dibedda ka ah qolalka jiifka ee isbitaalka. Intii ay mas'uuliyiintu kormeerayeen xaaladda isbitaalka ayey warbixinno ka dhigeysteen dhaqaatiirta iyo mas'uliyiinta isbitaalka, waxana ay ka dalbadeen inay diyaariyaan warbixinno baahida isbitaalka ah. Waa markii ugu horreysey ee mas'uuliyiinta dawladdu ay indhahooda kusoo arkaan dhibaatadii ay gaysteen dagaalladii todobaadyadan ka socdey Muqdisho, halka kooxda mucaaradka ah ee Xasan Daahir aysan weli soo arkin dhibaatadii ay dadka u geysteen.

'DHIBANAHA MAQSUUDKA AH': XAMAR WAXAA GABAY DADKIISII Print E-mail
Jun 11, 2009 at 02:35 PM

'Dhibanaha maqsuudka ah', oraahdan nin saaxiibkay ah ayaa ku sifeeyey dadka Xamar markii uu la yaabay sida ay maqsuudka ugu noqdeen dhibane-nimadooda. Muqdisho waa meel mannaxayaal inta xasuuq iyo dhibaato kasta ka gaystaan haddana ay taageero ku helaan, waa dad aan garan karin cadawgooda kuna dhiirran karin inay farta ku fiiqaan ama iska dhiciyaan cadawgaas, waa dad aan xitaa go'aansan inay sharaf iyo geesinnimo ku dhintaan iyagoo iska dhicinaya cadawgaas nabadda iyo dawladnimada ka hortaagan, waxayna halkeedii go'aansadeen inay calaacalaan oo si tartiib-tartiib ah u dhiig baxaan oo marba koox la dilo illaa la waayo wax la dilo.

Read more...
MUSLIM YOUTH CONFERENCE: MINNEAPOLIS,USA Print E-mail
Jun 11, 2009 at 03:33 PM

The Revival of the Youth rights of the parents, violence & drugs, impact of the zina (adultry), increasing your iman. When: Sat. June 13, 2009, 2-9pm. Where: South High School (Auditorium) 3131 19th Ave S, Minneapolis, MN 55407. Speakers: Sh. Hassan Mohamud ‘Jamici’ Imam of Masjid Minnesota Da’wah, Br. Abdisalam Adam, Board Chair of Dar Al-Hijrah, Sh. Ahmed Sh. Omar ‘Taajir’, Imam of Masjid Umatul Islam, Sh. Ahmed Burale Imam of Masjid Omar (Mall 24-ka), Yusuf Sh. Omar Ph.D. Candidate La Trobe University Australia, Sh. Abdirahman Sharif Imam of Masjid Dar Al-Hijrah, Sh. Garad Kahin Board Chair of Masjid Omar, Sh. Abdirahman ‘Abu Turab’, Sh. Sacad Muse World Peace Organization, Sh. Neelian Muhammad Masjid Minessota Da’wah. Youth Speakers: Sis. Maryan Yusuf Br. Abdulkadir Sharif, Programs: Entertainments, Food.

DAAWO LOOMA HELO CARRAB DALAB LEH . WQ: AV. XUSEEN DIIRIYE Print E-mail
Jun 11, 2009 at 02:32 PM

Reer Banaadiriga waxay leeyihiin oraah ah ' XAAJO AYAA FALANTO EE XUJO MA FALANTO', waxa Soomaaliya ka taaganna waxaa lagu sifeyn karaa in dadkii ay noqdeen ( ISUMA TALISO OO LOO TALIN KARIN ), Haddii si deggenaan ku jirto la isu dhageysan lahaa waxaa la hubaa in xal loo heli lahaa dhibaatada muddada dheer soo jiitameysay, balse sida runtu tahay cidda wax loo sheegayo dhegahooda laabta uma duleelaan, wada hadalka iyo in la isu tanasulana wax badan ayeey ka culus yihiin dagaalka balse geeri kama dhalato, meeshii laga filanayay is qadarin iyo wada tashi waxaa loo tafa xeetay in la huriyo dagaal uu natiijadiisa noqotay dhimasho, dhaawac iyo barakac baahsan oo ku timid dad maata ah oon 20 sano arkin cid xabadda uga turto kuna hagto hoy is faham iyo wada tashi.

Read more...
DAGAALKII MUQDISHO OO NOQDEY XARIG JIID AAN SOO KOEDHIN WAX AAN KA AHAYN XASUUQA SHACABKA Print E-mail
Jun 10, 2009 at 01:31 PM

Iyadoo maalmahan Muqdisho ay ka jirto xabbad-joojin iskeed ah ayaa dagaalka Muqdisho noqdey xarig-jiid iyo iska daba-wareeg ay labada dhinacba kala awood rooneyn oo muddo bil ah isku hal deegaan ay labada ciidan ee is dilaya isaga daba wareegaalaysanayaan oo kooxina aysan muujin gacansarreyn muuqata, halka dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka ahina uu kor u dhaafey 500 oo qof muddo 4 todobaad gudahood ah. Waxaana lagu burburiyey hanti dadweyne oo malaayiin gaareysa halka la xayirey adeegyadii guud ee umadda iyo dhaqdhaqaqyadii ganacsiga. Dagaalka Muqdisho oo ah dagaal xukun u dirir ah ayaa u muuqda in u jeedada kaliya ee laga gaarey illaa hadda ay tahay gumaadka shacabka iyo barakicintooda iyadoo kooxina aysan sheegan karin natiijo milateri oo ay gaartey.

DAGAAL-OOGE XASAN DAAHIR OO KAFTAN IYO JEES-JEES KAGA JAWAABEY XASUUQA UU KAWADO XAMAR Print E-mail
Jun 08, 2009 at 01:35 PM

Dagaal-ooge Xasan Daahir Aweys oo maalmahan la isla dhexmarayey warar ku saabsanaa inuu maxbuus u ahaa oo hadalka ayka joojiyeen kooxda Al-Shabaab oo uu isagu hadda af-hayeen u noqdey iyo warar kale oo sheegayey inuu dhaawacmay ayaa markii ugu horreysey shir jaraa'id ku qabtey magaalada Muqdisho. Dagaal oogaha ayaa isku dayey inuu u qiil-bixiyo xasuuqa ay kooxdiisu ka waddo Muqdisho, waxaana uu si damiir la'aan ah oo jees-jees ah uga baxay su'aal kasta ee laga weydiiyey dhibaatada baaxadda leh ee dagaallada uu wado ku hayaan dadka Muqdisho ee barakaca iyo xasuuqu isugu jira.

SHEEKH DR. YUUSUF AL-QARADAAWI: TAARIIKH NOLOLEEDKIISII OO KOOBAN Print E-mail
Jun 08, 2009 at 01:42 PM

DHALASHADIISII IYO WAXBARASHADIISII: Sheekh Dr. Yuusuf Mustafa Al-Qaradaawi wuxuu 9/9/1926kii ku dhashay tuulada Safat Turaab oo ka tirsan degmada Al-Maxalla Al-Kubraa, gobolka Al-Gharbiya ee dalka Masar. Sida Al-Xaafid Ibnul-Xajar iyo qaar kale ay sheegeen tuuladaas waxaa ku dhintay asxaabtii Nabiga (SCW) ninkii ugu dambeeyay ee dalka Masar ku geeriyooday Cabdullaahi ibnul-Xaarith Al-Zubaydi.

Read more...
URURKA AL-SHABAAB OO SI WEYN LOO RUMEYSAN YAHAY INAY GEYSTEEN DILKII ARXAN-DARRADA AHAA EE M.HIRABE Print E-mail
Jun 08, 2009 at 01:37 PM

Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo laga helayo Magaalada Muqdisho oo sheegaya in Kooxda ay shisheeyuhu ku shaqeystaan ee Al-Shabaab ay geysteen dilkii naxdinta lahaa ee lagula kacay agaasimihii idaacadda Shabeelle Allaha u naxaristee Mukhtaar M. Hiraabe. Mukhtaar Hiraabe ayaa hore uga badbaadey shirqool dil ah markii la dilayey agaasimihii hore ee idaacadda HornAfrik Allaha u naxariistee Siciid Tashliil oo ay isla kooxdan dhiigga Muslimiinta xalaalaysatey ay dileen. Kooxda Al-shabaab ayaa haatan ka hawlgala deegaannada ay ka furan yihiin idaacadaha Muqdisho ee agagaarka Suuqa Bakaaraha waxaana ay doonayaan in cabsi-gelintaas iyo dilalka gaadmada ah ay dalka ku xukumaan.

BARNAAMIJKA 'HARD-TALK' EE BBC-DA OO WAREYSTEY WASIIRKA ARRIMAHA DIBEDDA Print E-mail
Jun 04, 2009 at 12:00 AM

Wasiirka arrimha dibedda ee Soomaaliya Md. Maxamed C/hi Oomaar ayaa TV-ga BBC-da u sheegey in Soomaaliya uu ka socdo dagaal ba'an oo ay hoggaaminayaan dad shisheeye ah oo aan lahayn ujeedooyin dadka Soomaaliyeed baahidooda ka tarjumaya. Md. Oomaar oo la weydiiyey in dagaalka ay wadaan xubno hore uga tirsanaa Maxkamadaha sida X.D.Aweys ayaa sheegey in xubnahaasi aysan kaalin muuqata ku lahayn dagaalka taladuna ka go'in balse xoogga ugu weyn ee dagaalka wadaahi yahay Ururka Alshabaab oo hoggaankoodu yahay shisheeye watana ujeedooyin shisheeye oon Soomaaliya quseyn. Oomaar ayaa sheegey inay diyaariyeen 10,000 oo ciidammo qaran ah balse ay sugayaan dhaqaalihii lagu dhamaystiri lahaa. HALKAN KA DAAWO WAREYSIGA.

QM OO SHIR U QABANAYSA KHUBARO MILLATERI IYO SARAAKIIL HORE OO UU KU JIRO GEN. MAX'ED CALI SAMATAR Print E-mail
Jun 03, 2009 at 02:24 PM

NAIROBI, June 3 (Xinhua) Saraakiil sar-sare oo hore taliyayaal uga ahaa ciidankii Xoogga dalka iyo boliiskii Soomaaliyeed ayaa maalinta berri ah shir uga furmi doona dalka Mareykanka. War saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya UNPOS ayaa lagu sheegey in QM ay isu keeneyso khubarro Soomaaliyeed oo arrimaha dib u dhiska ciidankii dalka iyo arrimaha nabadgelyada lagala tashanayo. Warar kale oo aan helney ayaa sheegaya in saraakiishaas uu ku jiro Gen. Maxamed Cali Samatar. Shirkan sida la sheegey waxaa si wadajir ah u soo diyaariyey QM iyo wasaaradda Difaaca ee Soomaaliya, waxana la filayaa inuu shirkaasi tegi doono prof. Gaandi.



Bulshada
WHERE WAR LIVES. BY PULITZER PRIZE WINNER, PAUL WATSON. Print E-mail
Mar 20, 2008 at 03:43 AM

Read more...
MEGELEEY – Sheeko Ka Hadlaysa Nolosha Qoyska. W.Q A.M. Yusuf Print E-mail
Jun 22, 2007 at 01:55 PM
Read more...
MAQUUSTE (SHEEKO GAABAN) W.Q: A.M. Yusuf Print E-mail
May 27, 2007 at 06:06 AM
Read more...
DIFAACA ANSHAXA SAXAAFADDU MA AHAN JECLAAN DAWLADDA IMBAGHATTI AMA SHAQSIYAAD GAAR AH Print E-mail
May 05, 2007 at 02:08 PM
Read more...
SIR FAKATEY: MAQAAL NIN QORAA AH UU KU AFLGAADAYNAYO SIYAASIYIIN SOOMALIYEED ISAGOO IS QARINAYA. Print E-mail
May 02, 2007 at 04:33 AM
Read more...
More...


Suugaanta
NIN LAHOW DOONO!, MAANSO CUSUB. W.T: MAX'UUD INDHA-GEELLE Print E-mail
Sep 23, 2008 at 04:10 PM

Si kasta iyo dhan kasta oo loo dharaandheriyoba Soomaalidu waxay xilligan ku jirtaa jihaad ay isaga xoraynayso gumaysi. Gumaysiga Xabashida oo uu geed-fadhi u yahay wax walibana ku taageeray Maraykanka oo ah cadowga Islaamka ee casrigan. Waxaa jihaadkan u dhan oo aan u kala harin shacabka Soomaaliyeed oo dadab iyo toosba uga qayb-qaadanaya waxaase hormood u ah dhaq-dhaqaaqyo Islaamiyiin ah oo loogu aammin qabo inay meel gaarsiin karaan maadaama ay taageero ka haystaan ummaddooda.

Read more...
DANMOOGE: Maanso Cusub. Waxaa Tiriyey: Inj Inj. Maxamed Cali Cibaar Print E-mail
Sep 13, 2008 at 04:55 PM

 

Read more...
GOAHA YAW SHEEGA Print E-mail
Feb 09, 2008 at 07:11 PM
Read more...
NIMAAD GIBILKA SOOMAALI IYO GUUDKA SARE MOODID, GUMEYSIGA MID TAAGEEREYOO GOONI SOCOTEEYA Print E-mail
Apr 23, 2007 at 12:45 AM
Read more...
GABAY: DHUUNKAAL XABKAYSI Print E-mail
Apr 15, 2007 at 01:37 PM



Siyaasadda
SHALAYNA WAAD ILA OROD GAABNAYD MAANTANA WAAD ILA TALO XUN TAHAY! Print E-mail

 

Read more...


Goosgoos
There are no items to display
Faallo
There are no items to display
Farriimaha Akhristaha
There are no items to display
ENGLISH ARTICLES
SOMALIA: KISMAYO EYE WITNESS - VOA Print E-mail
Sep 29, 2006 at 05:24 AM
Read more...
'WE ARE READY TO FIGHT, WE ARE READY TO DIE' - The Guardian Print E-mail
Aug 11, 2006 at 01:26 PM
Read more...
A TERRIBLE THOUGHT OCCURS TO ME - THAT THERE WILL BE ANOTHER 9/11 - Robert Fisk Print E-mail
Aug 06, 2006 at 05:36 AM
Read more...
SOMALI LEADER: I'M NOT A TERRORIST -NEWSWEEK Print E-mail
Jul 23, 2006 at 04:34 AM

In a rare interview, Somalia's new Islamist leader discusses his relationship with Al Qaeda, why his militia outlawed World Cup TV broadcasts and whether it plans a Taliban-style government

Ayaan Hirsi, ENEMY OF THE FAITH - by Fareena Alam Print E-mail
Jul 20, 2006 at 05:20 AM
Read more...
A WARNING TO THOSE WHO DARE CRITICIZE ISRAEL IN THE US - By Robert Fisk Print E-mail
Jul 14, 2006 at 02:30 AM
Read more...


CAYAARAHA
There are no items to display
Qubanayaasha
There are no items to display

Kuwo kale oo xiriir la leh
DHAGAXTUUR Maxaan Ku Dooranney
QUBANAYAAL DIINI AH
Ilbaxnimadii Islaamka