Bogga HoreNala XiriirDhagaxtuurWararkaSiyaasaddaMaqaalloSuugaantaBulshadaGoos GoosFarriimaha
Thursday, July 24 2008
MAIN MENU
Bogga Hore
Nala Xiriir
Dhagaxtuur
Wararka
Siyaasadda
Maqaallo
Suugaanta
Bulshada
Goos Goos
Farriimaha
Raadi
Links
CAYAARAHA
BBC SOMALI
HOGGAAMINTII MADAXWEYNE AADAN CADDE
WAREYSI: ZAKARIYE M.X.CABDI
WAREYSI: M.C.YUSUF
DUMARKA IYO CARRUURTU MA AHAN ARGAGIXISO
XAMAR MIYAA DIIDEY, MA SIYAASAD XUMAA U DIIDEY MISE C/HI BAA XAMAR DIIDEY?
DOODDII CABDI MUXUMAD IYO HOTEL JUBBA
ALLOW YEY DABIIBOO QABRIGA DIB UGA SOO LAABTA!!
W.T: C/dir Aroma
MAANTA MAALIN KA XUN NAMA SOO MARIN
ABAAL MARIN LA GUDDOONSIIYEY CAASHA X. CILMI
LISTEN TO BBC'S REPORT ON SOMALI COMMUNITY
GANGS OR DISGRUNTLED YOUNGSTERS?
By Harun Hassan.
SHIRKADO MAREYKAN AH OO ISKU DAYEY INAY AFGAMBI KA RIDAAN MUQDISHO
CHAVES OO XIRIIRKA U GOOYEY ISRAA'IIL
BUUGAAG CUSUB OO SOO BAXAY
XIRIIRKA AYAAN XIRSI IYO GUDDIGA YUHUUDDA MAREYKANKA
AAFADA AXADLEY
W.Q: C/qaadir Aroma
SODDON SIFOO SIXIRROOW SOOMAALI KU HAYSTO
SII AKHRI
CADAADIS KU HAGOOGAN AYAAN XIRSI CALI
Raadiyo
Somali Links
CAYAARAHA
MO FARAX: RAJADA BRITAIN
BECKHAM OO SAXIIXEY HESHIIS GAARAYA $250 MILYAN
MO FARAX OO BILLAD DAHAB AH KU GUULAYSTEY
MO FARAX OO KU GUULEYSTEY BILLAD QALIN AH
ZIDANE OO LA GUDDOONSIIYEY KUBADDA DAHABKA AH IYO TAARIIKHDIISII

ENGLISH ARTICLES
MAQAALLO


Wararka
TACSI $ XUSUUSTII C/LLA NUURADDIIN Print E-mail
Jul 24, 2008 at 12:55 PM

Inaa Lillaah Wa Innaa Ileyhi Raajicuun!. Cabdalla Nuruddiin waxa aan ILaahay uga baryayaa in uu geeyo Jannodii Ferdowso; ehelediisiina ka siiyo samir iyo iimaan. Anigu waxa aan ka mid ahay intii aragtay Al-akh Cabdallaa isaga oo aan 20 jirsan, tintu na ay madoobayd; ahaana wiil aad u qurxoon. Waxaan Soomaalida jeclayd na ku biirin lahaa in aan bartay isaga oo qabanayay "Iidheh-diisii" ugu horreysey (abbaarohii nuskii dambe ee 1969-kii).

Read more...
SH. XASAN D. AWEYS OO SHEEGEY INAY ILAALIN DOONAAN AMMAANKA HAY'ADAHA GARGAARKA Print E-mail
Jul 24, 2008 at 12:47 PM

Hoggaamiye kooxeedka is-magacaabey Sh. Xasan Daahir Aweys ayaa sheegey inuu cambaareynayo dilalka lagu hayo shaqaalaha hay'adaha gargaarka ayna sugi doonaan ammaankooda, waxaana uu dilalkooda ku eedeeyey inay ka dambeeyaan koox uu ugu yeerey 'cadawgooda' oo hadana iyaga ku eedeeya, sida uu yiri, isagaoo u warramayey wakaalada wararka ee Reuters. Sh. Xasan ayaa uga mahad celiyey hay'adaha gargaarka hawsha ay ka wadaan dalka. Hadalka wadaadka ayaa loo fahmey mid uu ku soo jiidanayo dareenka beesha caalamka.

DR. DAACAD: 'CAAWA AYAAD CADAWGA FIRAASH JILICSAN U GOGOSHAY' – TALO KU SOCOTA SH.XASAN. D. AWEYS Print E-mail

Waxaan xil waajib ah oo na saaran u aragnaa caddeynta dhumucda khilaafka Isbahaysiga dib u Xoreynta Soomaaliyeed u dhexeeya iyo inaan si dhexdhexaadnimo leh u daraasayno khilafkaas, cidda dhab ahaan ay noola muuqato qaladkay leedahayna inaan u naseexeyno, ciddii gar lehna aan u garawno. Walaalkay Sh. Xasan Daahir Aweys waxaan oran lahaa waxaad ku taagan tahay wadiiqooyin intooda badan abuuraya tuhummo dadka kala geeya, kala tag, burbur, colaad iyo in cadowgu ukumo dalka ku duugto inuu baxo iska daaye.

Read more...
SHALAYNA WAAD ILA OROD GAABNAYD MAANTANA WAAD ILA TALO XUN TAHAY! Print E-mail

'Dood Cadaalada dadka maqashii sharcigana dumi..ka digtoonow!' Dhiigga daadanaya, daaraha burburay & qaranka aafoobey. Xasuuqa shacabka halla joojiyo oo halla heshiiyo. Itoobiya dalka hallaga saaro haddii kale heshiis ma jirayo!...maya..maya! madfaca maata-layskaa ayaa soconaya, dagaalkuna wuu soconayaa gar&gardarro, xitaa haddii ay baxaan. Nimankaas waa la iibsadey...waa shirqool..dawladeey ku biireen.., waxbaa la qiyaamey..hhmmm..Arroooy beenta naga deeya iyo borobogaankiinna!!.

Read more...
SH.SHARIIF OO KU GACAN SEYREY XIL-QAADISTA & AWEYS OO QIRTEY IN AYSAN SHARCIGA RAACIN Print E-mail

Hoggaamiyaha Isbahaysiga Dib u Xoreynta Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa ku gacan seyrey xilka-qaadista lagaga dhawaaqey magaalada Asmara, isaga oo sheegey in shir ay ka qayb galeen xubno aan ka badnayn 20 uusan sharci ahayn. Dhinaca kalena Sh. Xasan Dahir Aweys ayaa qirtey isaga oo u warramayey BBC-da in shirkii ay ku sheegeen in xilka lagaga qaadey labada Guddoomiye aysan helin tiradii loo baahnaa oo uusan sharciga waafaqsanayn 'oo ay duruuftu keentey' in tiradii shirweynuhu ku buuxsami lahaa ay waayeen.

KOOXDA AFWERKI EE ISBAHAYSIGA OO ISU MAGACAABEY XILALKII HOGGAAMIYAYAASHA ISBAHAYSIGA Print E-mail
Jul 22, 2008 at 10:27 PM

Magaalada Asmara ee dalka Ereteriya ayaa looga dhawaaqey in xilalkii hoggaanka Isbahaysiga Dib u Xoreynta ay isu magacaabeen Xasan Daahir Aweys iyo Shariif Saalax iyaga oo fulinaya danaha dawladda Ereteriya ee in Soomaaliya aysan marna ka dhicin xasilooni iyo dib u heshiisiin looga gudbo dhiiga dadka Soomaaliyeed ee maalin kasta daadanaya. Xasan Daahir Aweys oo wareysi siiyey TV-ga Aljazeera ayaa sheegtey in isagu uu haatan yahay hoggaamiyaha Isbahaysiga isaga oon sharrxaad lagu qanco ka bixin sharciyadda uu xilka ku qabtey.

OGOW WAXAADAN OGEYN, XAQANA HA KA IILAN. Print E-mail
Gocosho aan dhammaan, Gurrac qabyaaladeedka. Xaqoo la garab maro, Baadil u guuxa. Waayihii la soo maray iyo waqtigaan la joogo, soomaalidu waxay ka maarmi la’dahay qabyaalad, oo iyadu ku mashaqeysay gocosho aan dhammaan, gunuunuc, wax isku quuri waa, is qabqabsi, iyo qaranimadii oo laga doortay qabyaalad.
Read more...
LABA XASAN OO LA SHEEGAYO INAYSAN WELI AQBALIN DHEXDHEXAADINTII YEMEN EE LABADA GARAB EE MAXKAMADAHA Print E-mail
Jul 19, 2008 at 01:18 PM

Hoggaamiyaasha Xarakada Al-Itixaad Xasan Daahir Aweys & Xasan Turki ayaa la sheegey inay ku gacan seyreen heshiiskii Yemen lagu dhexdhexaadiyey labada garab ee Maxkamadaha, waxaana laga soo xigtey inaysan aqbali doonin heshiis kasta oo ogolaanaya in ciidamo QM ka socda dalka la keeno. Labada nin oo lagu yaqaanno in aragtida firqadoodu ay kala weyn tahay qaddiyada umadda Soomaaliyeed ayaa la soo sheegayaa inay ka gaws adeygeen aqbalidda heshiiskii ay soo qaadeen ergadii ay u dirsadeen wadahadalladii Yemen.

AL-SHABAAB, X.D.AWEYS & INDO-CADDE OO LAGU TILMAAMEY XAG JIR CAQABAD KU AH SOMAALIYA Print E-mail
Jul 19, 2008 at 01:03 PM

Xoghayaha Guud ee QM Ban-ki Moon ayaa la filayaa inuu todobaadka soo socda warbixin arrimaha Soomaaliya ah u gudbiyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey fadhigooda ay ka yeelanayaan arrimaha Soomaaliya. Warbixinta oo si hordhac ah ay saxaafaddu u heshey ayaa eedo u jeediyey kooxo xag-jir ah oo laga magacaabey ururka Al-Shabaab, Sh. Xasan Daahir Aweys iyo Yuusuf Indha-Cadde.

Read more...
XIRIIRKII SIYASIGA AHAA EE DHEXYIIL MUSLIMINTII SAYLAC IYO NASAARADII XABASHIDA Qarniyadii 1250-1543 Print E-mail
Jul 15, 2008 at 01:50 PM

Qof xog moog in aad tahay iyo xogtii jirtay in lagaa qarsaday, waa isku mid oo labada goorba qof aan wax ogayn oo xog moog ayaad tahay!. Waliba xaaladda hore, haba yaraatee, wax uun canaan ah waa laga soo jeedin karaa, midda dambase, adiga xogta laga qarsaday in la canaanto meesha ma le-eka. Balse, canaan culus iyo dambi cafin aan lahayn waxaa dusha laguu saari karaa markaad; qaddar xogtii lagaa qarsaday ah ay ku soo gaadho, oo lagaa waayo dareen kugu dhaliya, xog kororsi ama xuuraan oo, aad isku waydiiso; “horta, sidee, wax u dhaceen ?!, xaaladda taagan maanta, maxaa ka horreeyay?”.

Read more...
DILALKA QORSHEYSAN YAA KA DAMBEEYA? Print E-mail
Jul 14, 2008 at 02:06 PM

Laga soo billaabo 1991kii xilligii ay saanqaaday fowdadu waxaa hirgalay dilal qorsheysan oo lala beegsado dadka loo yaqaan indheergaratda Eebbe hibada u siiyey hoggaaminta bulshada. Tuhun badan baa jirey, seddax meelood ayaa farta lagu fiiqay. (1) Reer Galbeed oo qorsheeyey inay ka taqalusaan Islaamiyiinta madaxa la soo kacday. (2) Islaamiyiinta cusub (kooxda gardheere surweel gaab) oo ku hamiyey inay ka taqalusaan kaadirka lagu soo tababaray waddamada Galbeedka,

Read more...
SHIRKII YEMEN EE LABADA GARAB EE ISBAHAYSIGA DIBU-XOREYNTA OO LA SHEEGAYO INUU GUUL KU DHOW YAHAY Print E-mail

Isniin, (Yemen), Warar aan rasmi ahayn oo ka imanaya dalka Yemen oo uu ka socdo wada xaajood u dhexeeya labada dhinac ee Isbahaysiga Dib u Xoreynta ayaa sheegaya in shirkii u socdey uu ku dhow yahay in guul iyo si afgarad uu ku soo gabagaboobo. Iyadoo dhinaca kalena la sheegayo doodo kulul oo loo jeediyey Dr. Cumar Iimaan oo lagu qabsadey in bayaan fikir siyaasadeed oo garabkiisa ah uu ku magacaabey 'Fatwo Diineed'.

Read more...
ISBAHAYSIGA IYO DAWLADDA KMG AH OO WADA AQOONSADEY IN HESHIIS AAN LAGU SAXIIXIN JABUUTI Print E-mail

Cali Jaamac Jingeli wasiirka Arrimaha Dibedda ee dawladda KMG ah iyo madaxii hoggaaminayey wafdigii Isbahaysiga Dibu Xoreynta uga qayb galey shirkii Jabuuti C/raxmaan C/shakuur ayaa labadooduba qirtey in Jabuuti aan wax heshiis ah lagu saxiixin ee ay ahaayeen qodobo la isla aqbalay mabda'ahaan, iyagoo sharxayey haddii heshiiskii uu ku dhow yahay inuu fashilmo iyo in kale mar haddii muddo bil ka badani ka soo wareegtey, wax qabsoomeyna aysna jirin.

Read more...
TACSI LOO DIRAYO EHELLADA AGAASIME KU-XIGEENKII HAY'ADDA DARYEEL BULSHO GUUD OO MUQDISHO LAGU DILEY Print E-mail

Maxamed Sh. Axmed 'Basey', Maxamed Calas Qaareey, Cabdi Faarax Jaamac, Xirsi Malabsade, Sh. Daahir Iidle, C/qaadir Cabdi Gutaale, Ciise Axmed Diiriye, C/qaadir Axmed Nuur. Waxay dhammaan dadkaasi iyagoo ka tiiraanyeysan tacsi u dirayaan ehelladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoody Agaasime-ku-xigeenkii hore ee Hay'adda samafalka ee  DBG Maxamed Max'ud Khayre, Allaha u naxariistee oo magaalada Muqdisho lagu diley isaga oo ku guda jira hawlihii samafalka ee hay'addiisu wadey. Allaha jannadii ka waraabiyo ehelladiisana samir iyo iimaan ha ka siiyo, Aamiin.

CAD WARAAQA UUN!!! W.Q: A.M Yusuf Print E-mail

Cibaarooyin badan baa socdoo ciilay ubadkiiye… Caynaanka kuwa noo hayee ceebta ina saaray, Nimankaas cawaanka ah haddaan Eebbe cidhibgoynin, Ma calaacal baa ii bogsiin uurka cabanaaya. (Faarax Maxamuud: Caloolyow).  MAADI KOLONGA OBBO,  fannaankii jiitay ee reer Kismaayo; wiilkiisii ahaa Nameka, wiil uu sii dhalay (u garo curadkii Nameka ina Maadi Kolonga Obbo); 

Read more...
KOOXDA AL-SHABAAB OO SHEEGATEY INAY GAWRACEEN MAXAABIIS DAGAAL LAGU QABTEY Print E-mail
Jul 11, 2008 at 12:19 PM

Kooxda xag-jirka ah ee Al-Shabaab ayaa sheegatey iyadoo ku faanaysa inay geysatay falal laga argagaxo, kadib markii shabakadda kooxdaas u warranta ee KATAAIB ay ku warantey inay kooxdu gawraceen maxaabiis dagaal lagu qabtey. Kooxda ayaa sheegtey in taliyihii xerada Mannaas iyo sarkaal tababare ah inay gacanta ku dhigeen iyaga oo bedqaba kadibna ay gawraceen, sida shabakadu sheegtey. Kooxda Alshaab oo la tuhunsan yahay inay hoggaanka u hayaan saraakiil sar-sare oo jawaasiis u ah dalal shisheeye ayaa wada falal la isaga horkeenayo shacabka Soomaaliyeed & Muqaawamada sidoo kalena xoogagga wax iska caabinta lagu magac dilayo, halgankana lagu fashilinayo.

Read more...
MAXAA KA JIRA INAY ISKU XIRAN YIHIIN DILAL KA KALA DHACAY MUQDISHO & GAALKACYO Print E-mail
Jul 11, 2008 at 11:37 AM

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Muqdisho & Gaalkacyo ay ka kakala dhaceen dilal qorsheysan oo isku xiran. Marxuum Cisman Cali Axmed oo ahaa wakiilka UNDP ee Muqdisho ayaa dhowaan lagu diley Muqdisho, iyadoo wararku sheegayaan inuu jirey qilaaf u dheeeyey xafiiskiisa iyo taliyaha Maliishiyada C/hi Yuusuf iyo Darwiish oo dhaqaale u raadinayey ciidammo dhowaan dalka la keeney UNDP-na ay diidey taakulaynta ciidamadaas. Waxaa maalmo kadib magaalada Gaalkacyo isna lagu diley madaxii shirkadda Biyaha Gaalkacyo oo ay isku dhow yihiin C/hi Yuusuf.

MUQDISHO MA ISTAAHISHAA INAY MAAMULAAN M'ED DHEERE, QAYBDIID, DARWIISH & GABRE Print E-mail
Jul 11, 2008 at 11:20 AM

DAL: Wadan walbo oo dunida ah,waxa uu ku faanaa waa jiritaankiisa qaranimo iyo taariikhda dadkiisa, dalkiisa,diintiisa iyo heerka uu ka taagan yahay ilbaxnimada iyo xadaarada maanta dunida ay ku kala hareyso, hadii ay ahaan lahayd dhaqanka, cilmiga, xadaarada, khayraadka iyo horumarka.

Read more...
CIIDAMADA WAX ISKA CAABINTA OO DUULLAAN KU QABSADEY XERADA MILATERI EE DAYNUUNAAY Print E-mail
Jul 10, 2008 at 01:44 PM

Xoogagga wax iska caabinta ayaa xalay saqdii dhexe weerarey oo qabsadey xerada milateri ee Daynuunaay oo ku taalla duleedka magaalada Baydhaba. Wararka ayaa sheegaya in halkaasi ay la wareegeen ciidamadii Al-Shabaab sida uu saxaafadda u sheegey Mukhtaar Roobow, waxaana la sheegayaa inay halkaasi ka qaateen hub kadibna ay isaga baxeen xeradaasi oo ay sidoo kale ku dhinteen ugu yaraan 2 askari oo ka tirsanaa ciidanka dawladda.

DR. C/HI XIRSI DIIRSHE: 'TALO XUMO TOL MA BADBAADISO!!'. TALOOYIN KU SOCDA KOOXDII HESHIISKA DIIDEY Print E-mail
Jul 09, 2008 at 01:52 PM

Siyaasiga Dr. C/hi Xirsi Diirshe 'DAACAD' ayaa aragtidiisa ku biirinaya doodaha ka taagan khilaafkii ka dhashey shirkii Jabuuti ka dhacay ee ay heshiiska ku kala saxiixdeen hoggaanka Isbahaysiga dib u xoreynta iyo dawladda KMG ah. Isaga oo qodobaynaya aragtidiisa sida uu u arko heshiiskaas iyo wixii ka soo baxay ayaan qoraal uu inoo soo gudbiyey ku soo koobney qoraalka hoose oo ay sidoo kale ku jiraan talooyin uu u gudbinayo dhianaca diidan heshiiskaas:

Read more...
XILDHIBAANNO SHEEGEY INAYSAN DALKA DAWLADI KA JIRIN N.CADDENA UU U SHAQEEYO DAD KALE Print E-mail
Jul 09, 2008 at 12:23 PM

Koox Xildhibaanno ah oo u janjeera dhinaca Itoobiyaanka iyo C/hi Yuusuf ayaa Magaalada Baydhaba ka sheegey in sidii loo magacaabey Ra'iisul wasaare Nuur Cadde uu dalku faraha ka baxay, iyagoo ula jeeda in deegaannadii Itoobiyaanka iyo daba-dhilifyada laga xoreeyey ay cadaw gacanta u galeen. Waxaa kale oo kooxdaasi sheegeen in dalka aysan ka jirin wax dawlad ahi Nuur Caddena uu u shaqeeyo kooxo aysan magacaabin oo sida muuqata ay ula jeedeen inta aan ka ahayn Itoobiyaanka iyo C/hi Yuuasuf. Xildhibaannadaasi waxaa u hadlay Xildhibaan Xiddig.

JABHADDA ONLF OO DAGAAL KAGA AWOOD ROONAATEY CIIDAMDA DAWLADDA ITOOBIYA DAGAALLO KA DHACAY GEYIGAAS Print E-mail
Jul 09, 2008 at 12:21 PM

Idaacad u hadasha Jabhadda Xoreynta Ogaden ayaa sheegtey in dagaal dhowr maalmood socdey ay ciidamada Itoobiya kaga dileen in ka badan 30 askari ayna ka saareen dhowr tuulo oo ka tirsan dhulka Soomaalida ee Itoobiya haysato. Idaacadda ayaa sheegtey in dhowr iska hor imaad oo ciidamadoodu la galeen cadawga ay ku jebiyeen, waxaana ay sheegeen in dagaalka ay sii wadi doonan inta ay deegaannadooda ka xoreynayaan Itoobiya.

XOOGAGGA KACDOONKA OO WEERAR JIDGOOYO AH U DHIGEY KOLONYO CIIDANKA IMBAGHATI AH QASAARONA GAARSIIYEY Print E-mail
Jul 08, 2008 at 08:17 PM

Wararka ka imanaya agagaarka deegaanka Bali-Doogle ee degmada Wanlaweyn ayaa sheegaya in halkaasi galabta lagu weerarey kolonyo ka tirsan ciidanka dawladda KMG ah oo ku sii jeedey Baydhaba. Wararka ayaa sheegaya in qasaro lagu gaarsiiyey ciidanka Imbaghati oo gaadiid laga gubay. Waxana ciidankaasi la sheegey inay gurmad u ahaayeen degmda Baydhaba oo au dul degeen xoogaga ka tirsan Al-Shabaab.

SH.XASAN. D. AWEYS OO KA BAAQDEY SAFARKIISII YEMEN SOONA DIRSADEY 3 XUBNOOD OO AH URURKA AL-ITIXAAD Print E-mail
Jun 29, 2008 at 01:37 PM

Warar goordhow na soo gaarey ayaa inoo xaaqiijiyey in Sh. Xasan Daahir Aweys uu ka cudurdaartey inuu yimaado shir ka dhici lahaa dalka Yemen, inakasta oo aan la ogeyn in dawladda Ereteriya ay ka hor istaagtey iyo in kale. Sheekha ayaa soo dirsadey 3 xubnood oo ka tirsan Xarakada Al-Itixaad oo uu ku jiro Cumar Iimaan.

XUBNAHA GOLAHA DHEXE EE ISBAHAYSIGA OO KU SII QULQULAYA MAGAALADA JABUUTI Print E-mail
Jun 29, 2008 at 01:28 PM

Waxaa la filayaa in maalmaha inagu soo socda uu dalka Jabuuti ka furmo shirweyne ay isugu imanayanaan xubnaha Isbahaysiga Dib u xoreynta oo haatan halkaasi ku sii jeeda. Xubnaha Isbahaysiga ee qurba-joogta ah ayaa badankood ay halkaasi gaareen qaar kalena ay ku sii jeedaan sida uu inoo sheegey Avv. C/hi Faarax Qaareey oo ka tirsan Golaha isaga oo isu diyaarinaya safarkiisa Jabuuti.

CAR YAA UJEEDDADA KOOXDA INDHA-CADDE II CADDEEYA???? - Qaasim Neero Print E-mail
Jun 29, 2008 at 01:26 PM

Waxaan beryahan maqlaa Yuusuf Indha-cadde oo ku celcelinaya 'cidaan anaga ahayni ma jirto', waa jihaadeynaa oo aqbali meyno wax ka yar in Diinta islaamka dalka lagu xukumo. Haddiiba ay taasi run ka tahay waa wax fiican, yaase su'aashan iiga jawaabi kara?, dhowr sanadood oo uu ku amar ku taagleynayey gobolka Shabeelaha Hoose maalinba ha noqotee ma maqasheen xukun Islaami ah oo qof dambi galay lagu fuliyey, garsoor Islaami ah oo deegaankaas wali laga dhisay yaa arkay?.

Read more...
‘XALKU WAXA UU KU JIRAA IN LA HESHIISIIYO C/QAASIM IYO C/HI YUSUF’ WAXAA SIDAA KU TALIYEY GALAAL Print E-mail
Jun 27, 2008 at 12:15 PM

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga ayaa si kala gooni-gooni ah shaqsiyaad iyo urrurro Soomaaliyeed oo Talyaaniga u dhow u weydiisay inay taladooda xalka Soomaaliya u soo gudbiyaan, shaqsiyaadkii arrintaas lagu casumeyna waxaa ka mid ahaa Jen. Maxamed Nuur Galaal, oo talo ahaan ku bixiyey in qilaafka Soomaaliya lgu xallin karo iyadoo la heshisiiyo C/hi Yuusuf iyo C/Qaasim.

Read more...
LABADA DHINAC EE ISBAHAYSIGA OO WADA-HADAL KU YEELANAYA DALKA YEMEN Print E-mail
Jun 27, 2008 at 12:13 PM

Warar dhowaan soo baxay ayaa sheegaya in xubnaha ka tirsan Isbahaysiga Dib u Xoreynta ee ku sugan magaalada Asmara ee dalka Ereteriya ay aqbaleen wada hadal ay la yeeshaan mas’uuliyiinta sare ee Isbahaysiga, lana filayo in dhowaan ay halkaasi gaaraan xubno uu horkacayo Sh. Xasan Daahir Aweys, haddiiba dawladda Ereteriya u ogolaato inuu dalka dibedda uga bixi karo.

Read more...
WAFDI UU HOGGAAMINAYO AFHAYEENKA MAXKAMADAHA OO GAAREY JABUUTI Print E-mail
Jun 24, 2008 at 01:26 PM

Wafdi ka socda xoogagga ka diriraya gudaha dalka oo ka soo kicitimey magaalada Muqdisho uuna hoggaaminayo Sh. Maxamuud Sh. Ibraahim Suuleey ayaa gaarey magaalada Jabuuti, si ay ula kulmaan hoggaamiyayasha Isbahaysiga oo iyagana la filayo inay ku laabtaan Jabuuti, waxaa sidoo kale la filayaa inay wafdigu la kulmaan xubno ay soo wakiisheen kooxda Asmara ee Isbahaysiga.

Read more...
MID KA MID AH SHAQSIYAADKII HORE U FASHILIYEY MAXKAMADAHA OO HADANA FASHILINAYA ISBAHAYSIGA Print E-mail
Jun 23, 2008 at 11:46 AM

Qabqable Yuusuf Indha-cadde ayaa sheegey in hoggaamiyaha Isbahaysiga Dib-u-xoreynta Sh.Shariif Sh. Axmed uusan ka tirsanayn isbahaysiga oo uusan cidna xukumin, Isbahaysiguna uu mideysan yahay. Indha-cadde oo hore isagu u bixiyey amarkii lagu weerarey Baydhaba si khilaafsanayd hoggaanka sare ee Maxkamadaha ayaa hadana markale ay kooxdiisu fashilinayaan halgankii Isbahaysiga markii uu ku gacanseyrey hoggaanka sare ee Isbahaysiga, waxaana uu sheegey in aysan jirin cid ka saraysa oo uu ka amar qaadanayo.

Read more...


Bulshada
WHERE WAR LIVES. BY PULITZER PRIZE WINNER, PAUL WATSON. Print E-mail
Mar 20, 2008 at 03:43 AM

Read more...
MEGELEEY – Sheeko Ka Hadlaysa Nolosha Qoyska. W.Q A.M. Yusuf Print E-mail
Jun 22, 2007 at 01:55 PM
Read more...
MAQUUSTE (SHEEKO GAABAN) W.Q: A.M. Yusuf Print E-mail
May 27, 2007 at 06:06 AM
Read more...
DIFAACA ANSHAXA SAXAAFADDU MA AHAN JECLAAN DAWLADDA IMBAGHATTI AMA SHAQSIYAAD GAAR AH Print E-mail
May 05, 2007 at 02:08 PM
Read more...
SIR FAKATEY: MAQAAL NIN QORAA AH UU KU AFLGAADAYNAYO SIYAASIYIIN SOOMALIYEED ISAGOO IS QARINAYA. Print E-mail
May 02, 2007 at 04:33 AM
Read more...
More...


Suugaanta
GOAHA YAW SHEEGA Print E-mail
Feb 09, 2008 at 07:11 PM
Read more...
NIMAAD GIBILKA SOOMAALI IYO GUUDKA SARE MOODID, GUMEYSIGA MID TAAGEEREYOO GOONI SOCOTEEYA Print E-mail
Apr 23, 2007 at 12:45 AM
Read more...
GABAY: DHUUNKAAL XABKAYSI Print E-mail
Apr 15, 2007 at 01:37 PM

DILAA SARE WAA INUU U SII DALLACO SAA LA DILI WAAYE..TABANTAABO Print E-mail
May 29, 2006 at 06:27 AM
Read more...


Siyaasadda
There are no items to display
Goosgoos
There are no items to display
Faallo
GEEDDI DASTUURKA MIYUUSAN AQOON MISE WUU KU TUMANAYAA? BAL AKHRI QODOBADA XILKA QAADISTA EE DASTURKA Print E-mail
May 13, 2007 at 06:14 AM
Read more...
XISHOOD-LAAWE XUUB SIREED OO BEENEYNAYA IN ITOOBIYAANKU GABAR SOOMAALIYEED KUFSADEEN Print E-mail
Apr 17, 2007 at 10:49 AM
Read more...


Farriimaha Akhristaha
There are no items to display
ENGLISH ARTICLES
SOMALIA: KISMAYO EYE WITNESS - VOA Print E-mail
Sep 29, 2006 at 05:24 AM
Read more...
'WE ARE READY TO FIGHT, WE ARE READY TO DIE' - The Guardian Print E-mail
Aug 11, 2006 at 01:26 PM
Read more...
A TERRIBLE THOUGHT OCCURS TO ME - THAT THERE WILL BE ANOTHER 9/11 - Robert Fisk Print E-mail
Aug 06, 2006 at 05:36 AM
Read more...
SOMALI LEADER: I'M NOT A TERRORIST -NEWSWEEK Print E-mail
Jul 23, 2006 at 04:34 AM

In a rare interview, Somalia's new Islamist leader discusses his relationship with Al Qaeda, why his militia outlawed World Cup TV broadcasts and whether it plans a Taliban-style government

Ayaan Hirsi, ENEMY OF THE FAITH - by Fareena Alam Print E-mail
Jul 20, 2006 at 05:20 AM
Read more...
A WARNING TO THOSE WHO DARE CRITICIZE ISRAEL IN THE US - By Robert Fisk Print E-mail
Jul 14, 2006 at 02:30 AM
Read more...


CAYAARAHA
There are no items to display
Qubanayaasha
CADAADIS XOOG LEH OO KU HAGOOGAN MUSTAQBALKA SIYAASADEED EE AYAAN XIRSI CALI (Qormo Gaar ah) Print E-mail
May 14, 2006 at 04:18 PM
ImageAMSTERDAM, Netherlands
Haweeneyda afka dheer ee Ayaan Xirsi Cali oo ka tirsan Baarlamanka dalka Holland ayaa ay soo foodsaareen eedeymo khatar gelin kara inay sii ahaato mudane Baarlamaan kadib markii ay dibedda u soo baxeen inay been ka sheegtey dacwadeeddii magangalyo doonka ee dalka Holland.
Read more...
More...



Kuwo kale oo xiriir la leh
DHAGAXTUUR Maxaan Ku Dooranney
QUBANAYAAL DIINI AH
Axkaamta Soomka
Sh. Ummal
Ilbaxnimadii Islaamka