Suche
  • Dhagaxtuur

Booliska gobolka Banaadir oo soo qabtay askarigii dilay xamdi Xamdi Cabdullaahi


Muqdisho (Wararka Maanta Dhagaxtuur)

Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee ku sugan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen askarigii ka dambeeyey dilkii xalay loo geystay, Xamdi Cabdullaahi oo aheyd gabar dhalinyaro ah oo ku nooleyd caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.


Magaca askariga dilkaa geystay ee la soo qabtay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdi Cali Guuleed kana tirsan ciidanka xoogga, lambarkiisu yahay No:1272 XDLS.


Saraakiisha gobolka Banaadir ayaaa sheegay inay baaritaano dheeraad ah ku sameynayaaan askarigaasi islamarkaana cadaalada horkeeni doonaan si,looga qaaday tilaabo sharciga waafaqsan.

Allah u naxariistee Marxuumad Xamdi ayaa xilliga la dilayey saarneyd Mooto Bajaaj taasoo mareeysay agagaarka Warshadii hore ee Caanaha ee degmada Hodan.

  • Schwarz Pinterest Icon
  • Schwarz Facebook Icon
  • Schwarz Twitter Icon
  • Schwarz Instagram Icon

© 2020 DHAGAXTUUR