Suche
  • Dhagaxtuur

caasimada somalia 2020

Aktualisiert: Juni 24

Muqdisho ( Wararka Maanta Dhagaxtuur) - Caasimada Somalia oo ka soo kabaneyso burburkii ka soo gaaray dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka.


"DAL WALBAA DADKIISAA DHISO".


Caaasimada ayaa waxa ay muhiim u tahay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Raas kambooni ilaa Raas caseyr. Hadaba isbadalka xowliga ah ee ka socdo caasimada ayaa tilmaamayaa horay u socodka dalka Soomaaliya.


Dal walbaa waxa uu leeyahay meel uu ka dhaqaaqo oo dalkoo dhan laga hago waana sababta dal loogu sameeyo caasimad (meel laga xukumo dalka oo dhan).


Qofka bini,aadamku ma socon karo bilaa wadno mana noolaan karo waayoo waa xubinta ugu muhiimsan ee bini,aadamka.


Sidoo kale dalku haduusan lahayn caasimad ama meel laga hago dalku ma socon karo saabtoo ah waxaa ka maqan wadnihii uu ku dhaqaaqi lahaaa.


Caasimada waxa ay kulmisaa dhamaan muwaadiniinta u dhashay dalka waana mid muhiim u ah qowmiyad walbaa.


Caasimaddu waa astaan, sidoo kale waa xarunta siyaasadeed ee dowladnimada

Waa halka ay fariistaan mas'uuliyiinta ugu sarreeya dowlad walbaa sida : baarlamaanka, Boqortooyada, dowladda, maxkamadda ugu sarreysa dalka.


Tusaale ahaan: Muqdisho waa xarunta, hooyada ama caasimada dalka oo dhan laga xukumo halka maamul goboleedyadu ay iyaguna leeyihiin caasimado u gaar ah maamulkaasi oo laga xukumo.


Maamulka Galmudug waxaa caasimad u ah Dhuusomareeb, halka maamulka Puntland ay u tahay Garowe. Sidoo kale maamulada kale ee kala ah Hirshabelle, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Somaliland ay caasimadahodu kala yihiin: Jowhar, Bu,aale ( Kismayo si, ku meel gaar ah) Baraawe (Baydhabo si, ku meel gaar ah) - Hargeysa.




Iskusoo wada duuboo caasimada ayaa ah halka ugu muhiimsan ee dalka hadii ay xun tahay waxaa xumaanayo dalka oo dhan hadii ay wanaagsanna tahay dalkoo dhan ayaa wanaagsanaanayo.


Waa muhiim in dalkoo dhan wanaagiisa iyo horumarkiisa laga wada shaqeeyo waana waajib dastuuri ah ee saaran muwaadin walbaaa ee u dhashay dalka.


Sida madaxda dalka ay waajib ugu tahay in dalkooda si, cadaalad ah ugu adeegaan ayuu adiguna waajib kugu yahay in aad dalkaaga si,cadaalad ah ugu adeegto.


Hadaba waxaan kula wadaageynaa sawiradii ugu dambeeyay ee caasimada Soomaaliyeed 2020.




Xeebta Liido

Waa qorax dhaca xeebta Liido, waxaa halkaa kula damaashaado shacabka Soomaaliyeed kuwo ku nool dalka iyo kuwo qurbo joogta ah. Waa maalin khamiis ah oo shacabku ka nasanayaan shaqooyinka.


Xeebta Liido waa goob muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed iyo dalxiisayaasha. Waa goob caan ah, waa wadnaha caasimada. Halkani waxaa ku yaalo maqaayado caalami ah, hoteelo 5 star ah iyo sidoo kale ganacsato yar yar ah oo ku leh goobo ganacsi.


Waxaad ka heli kartaa jaakadaha dabaasha oo kale iyagoo amaah iyo hadii alaab muhiim ah aad wadato oo laguu heynayo. Waxaan meesha ka marneyn amniga xeebta oo waxaa halkaa kugu diyaar ah ciidanka qaranka oo xil iska saaray amnigaada iyo in aad si, nabad ah dalkaaga ugu damaashaado. Maxaa ka qurux badan in aad dalkaaga ku raaxeysato? Waxba.







Pizza House

Maqaayada Pizza House ee degmada Hodan

Maqaayadda Pizza House waa mid kamid ah maqaayadaha cajiibka ah ee ku yaalo caasimada Soomaaliya ee Muqdisho waana goob adeegeedu heer sare ah. Cunto macaan iyo adeeg hufan. Shaqaaluhu waa kuwo aad u dhoolo cadeynayo oo saaxibtinimo leh. Kama shalaayneysid in aad halkaa booqato. Aniga ahaan aad beey ii cajab gelisay.



Dhoola cadeey waa sunno - Pizza House Muqdisho



Daarul Salaam City


Hadaad magaalada buuqeeda nacdo waxaad booqan kartaa xadiiqada Daaru Salaam waa goob aad u qurux badan waa doog, waxaa dareemeysaaa nasiino iyo hawo aad u macaan.


Waxa ay ku taalaa geeska caasimada waxa ayna u jirta ilaa 12km gudaha magaalada.





Amnigeedu waa heer sare, shaqaalaheedu top, wado aad u nadiif ah, gudaheeda waxa ku dhex yaaalo alaabta ciyaalka ay ku ciyaaraan nuuc walbaa. Waxaa sidoo kale meesha ka marneyn maqaayad caalami ah iyo masaajidka cibaadada xiliga ay salaadu taagan tahay.


Waan hubaa in ay ku cajab gelineyso oo aad oran doono dalkeeni miyaa sidaa noqday. Ku damaashaada adiga iyo caruurtaada.



Xadiiqada Daaru Salaam

Xadiiqada Daaru Salaam Muqdisho


Gobolada Somalia waa imisa?


Waa maxay wadaniyad?


Caasimada Soomaaliya 2020


Waxaad nagala socon kartaa boggeena..


Website: Dhagaxtuur


Facebook: Dhagaxtuur


Twitter: Dhagaxtuur


Instagram: Dhagaxtuur


Pinterest: Dhagaxtuur


Youtube: Dhagaxtuur






  • Schwarz Pinterest Icon
  • Schwarz Facebook Icon
  • Schwarz Twitter Icon
  • Schwarz Instagram Icon

© 2020 DHAGAXTUUR