Suche
  • Dhagaxtuur

waa maxay wadaniyad?

Aktualisiert: Juni 21


Muqdisho (Dhagxtuur) Si aan isula fahanno macnaha wadaniyadda waxaa lagama maarmaan ah inaan kolka hore wadajir isula eegno macnaha muwaadin.


Hal dad, Hal Calan, Hal Dal

Qeexmooyinka care-edeg ee ereyga muwaadin waxaa kamida;



Muwaadinnimadu waa;





Guud ahaan muwaadinnimadu waa hoos joogga maamul iyo xeerarka dal gaar ah weliba si-joogto iyo dhameyba ah.


Dhalad iyo muwaadin in-kastoo ay isu dhow yihiin haddana waxaa jira kala duwanaanshiyo gaaban oo u dhexeeya.



Dhalad

Waxaa la yiraahdaa qofka ciid ahaan dhulka u-dhashay, muwaadinkuna waa qof ama gudaha dalkaas ku dhasha amaba sifo sharci ah ku qaatay aqoonsiga muwaannimo ee dalka. Xeer ahaanna dhamaan xubnaha dhalashada dalka haystaa waajibaad isku mid ah ayaa saaran, mudnaan isku mid ahna way ku leeyihiin dalkooda.


Muwaadiniintu waa cid-kastoo gudaha dalkeeda kuleh;














Muwaadiniita waxaa saaran mas’uuliyado qofeed, mid qoyseed, mid bulsheed, iyo mid dastuureed, kuwaas oo ku kala badan dalalka waxaana kamida;











Waa maxay wadaniyaddu, yaase wadani ah???


Muwaadin iyo Wadani in-kastoo ay isu dhigaal dhow yihiin haddana waxaa jira kala duwanaanshiye u-dhexeeya.



Muwaadin: waa qof haysta dhalashada dal (amaba ciid ahaan ugu dhashay amaba tilmaan sharciyeysan ku qaatay).



Wadani: waa qof leh feker, fayiigsi, iyo fal ay ku laran yihiin dareen-sid dal iyo dadeed, mudnaantana siiya sarreynta sharciga dalkiisa.


Ogow oo qof kastoo wadani ahi waa muwaadin, asii qof kastoo muwaadin ahi wadani maahan.



Colaadaha sokeeye ee dalkeena ragaadiyay waxay meesha ka saareen waxbarashadii, arrintanina waxay waayeel ka noqotay caruurteenu inayan ogaal iyo aqoon toonna ka helin ahaanshiyaheena dadeed, iyo lahaanshiyaheena daleed.


Waxaana dadka iyo dalka dhexdiisa ku xoogeystay mooryaan, qowleysato, iyo qabqableyaal hiddi-waalideystayaal ah oo feker iyo fal walboo ay sameynayaan ka dhex-eegta danahooda gaarka ah, arrintanina waxay cawartay fahamka wadaniyadeed ee muwaadin walboo 91-kii ka dhalasho dameeyay.



Wadaniyaddu waa tilmaan ka dhalata falalka, fayiigsiga, iyo dareen-sidka da leed iyo dadeed ee muwaadinka. Waana dabar adag oo jacayl ku dhisan oo isku xira muwaadinka iyo dalkiisa iyo dadkiisaba.



In la helo tiro badan oo muwaadiniin ah, waxaa ka tayo iyo tiigsi wacan in la helo tiro wadaniyiin ah oo  yar.



Halganka gacan ku rimiska ah ee muwaadiniintu ay sida is-tuska ah u curiyaan dhaawaca ayuu u dhutiyaa, meel dhowna ma dhaafo, asii halganka wadaniyiintu ay sida niyad samida ah u curiyaan, dheel-dheel kuma kufo, maqaam sarena waa gaaraa.



Taariikhdu mawada xusto muwaadiniinta oo dhan ee waxa ay xustaaa wadaniyiinta oo dhan…


Wadaniyiintu waxay uga dhex-muuqdaan muwaadiniinta sida ubaxu uu uga dhex-muuqdo geedka intiisa kale.



Wadaniyaddu maahan qoridda qormo lagu laray qiiro aanan qalbiga gaarsiisneyn, sidoo kale wadaniyaddu maahan halganka aanan himilada lahayn ee dan ku-gaarka ah.


Wadanigu waa midka guushiisa gaar ahaaneed ka dhex-dhowra guusha guud ahaaneed ee dadkiisa iyo dalkiisa.                                                            



Wadanigu ma sheegto wanaagga uu dadkiisa u-falo.

Wadanigu waa;





Wadanigu ur ahaan waa sida miskiga, dhadhan ahaan waa sida malabka, si-kastoo nolosha dadkiisu ay sagxadda u-fadhido isagu waa mid kor u haya waana ruux aaminsan noloshiisa oo idil inay ku dhisan tahay wanaagga dadkiisa.


Weligii wadanigu waa same-fishe, raja-dhimasho ma yaqaan, oo waxaa mar walba u muuqda iftiin ayan muwaadiniintu wada arag.    



Si-kastoo talada dadkiisa ay u gacan-maroojiyaan bah tuuganimo iyo talo-keliyeysi ku dhisan, qaddiyaddiisa dal iyo dad jacaylnimo marnaba ma dhimato, xataa haddii mooryaanta taladoodu ay dheeraato.


Inta badan doorashooyinka dalkeenu markay soo dhawaadaan, bulshada waxaa kasoo dhex-baxa rag badan oo qiireysan, raggaasi maalmaha ay olalaha ku jiraan waxay jilaan wadaniyiinta, asii waxay kasoo foofaan xurfado dhiiqeysan, ujeedkooduna ka dheer wadaniyad, waana dan raadiyeyaal.



Wadaniyaddu maahan markii aan kursiga ku fariisto ayan dadka u adeegayaa, ee waa dhiig u-shibidda dadka iyo dalka inta itaalka iyo taladu ay kugu jirto.  


 Wadanigu waa qof sumcad iyo magac ku dhex-leh bulshadiisa, xataa hadii uu dhinto waa mid aragtiyihiisa iyo wanaaggiisu ay ku dhex-nool yihiin quluubta bulshadiisa.



Qore: Barkhad Cabduqaadir Awcali



#Soomaaliya #Soomaali #Baa #Leh



  • Schwarz Pinterest Icon
  • Schwarz Facebook Icon
  • Schwarz Twitter Icon
  • Schwarz Instagram Icon

© 2020 DHAGAXTUUR