Suche
  • Dhagaxtuur

IRAN oo xad-udub kusoo sameysay Somalia iyo DF oo tallaabo qaadeysa


Muqdisho (Wararka Maanta Dhagaxtuur) – Hadal ka soo baxay wasaaradda kalluumeysiga xukuumadda federaalka ayaa waxaa lagu sheegay in Maraakiib shisheeye ee laga leeyahay dalka Iiraan ay si sharci darro ah uga jalaabtaan xeebaha Soomaaliya.

Qoraalka wasaaradda ayaa waxaa lagu cadeeyey in intii u dhaxeysay bishii Janaayo ee 2020 illaa 14 april ee isla sanadkan ay Maraakiibtaas ka kalluumeysanayeen xeebaha dalka.

Daba-gal ay sameysay wasaarada Kaluumeysiga ayaa waxa ay ku ogaatay Maraakiib gaarayaaa ilaa 112 Maraakiib, waxayna ku eedeysay in ay ku soo xad-gubeen biyaha dalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin Kalluumeysiga sharci darrada ah, kana hortagi doonto, iyada oo tallaabo adag ka qaadeyso cid-kasta oo ku xad-gudubta biyaha dalka Soomaaliya.


  • Schwarz Pinterest Icon
  • Schwarz Facebook Icon
  • Schwarz Twitter Icon
  • Schwarz Instagram Icon

© 2020 DHAGAXTUUR