Suche
  • Dhagaxtuur

Madaxweynaha mareykanka oo weeraray ilhaan cumar una gafay soomaaliya

Washington (Wararka Maanta Dhagaxtuur )

Gobolada Somalia waa imisa?

Waa maxay wadaniyad?

Caasimada Soomaaliya 2020




Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo jeediyey khudbad dheer ayaa weerar afka ah ku qaaday Xildhibaanada Asalkeedu yahay Somali Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Kongareeska Mareykanka ee dalkaasi, isagoona sidoo kale u gefay dalkeena Soomaaliya.


Madaxweyne Trump oo taageerayaashiisa kula hadlayey magaalada Tulsa ee gobolka Oklahoma ayaa sheegay in Ilhaan ay dooneyso inay Mareykanka ka dhigto dalka ay ka soo qaxday oo kale ee Soomaaliya.


Wararku waxa uu intaas ku daray in sidoo kale uu ku tilmaamay in Soomaaliya aysan ka jirin wax dowlad ah iyo kala dambeyn, sida uu hadalka u dhigay Madaxaeynaha Mareykanka Donald Trump.


Sidoo kale waxa uu xusay in Soomaaliya aysan laheyn ciidamo dhisan, sida Boolis iyo Nabad Sugid, isaga oo tilmaamay in kaliya uu ka jiro amar la’aan iyo jahwareer.


Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa waxa ay dooneysaa in Mareykanka ka dhigto dalka ay ka timid ee Soomaaliya oo kale oo aysan ka jirin wax dowlad ah, waa dal aanan ka jirin wax boolis, nabad la,aan waxa kaliya ee ka jira ayaa aha amar la’aan iyo jahwareer.


Ilhaan Cumar waxayna noo tilmameysaa halka uu dalkeena u socon lahaa, iyado dal nuuca ah ay ka timid. Waxaan leenahay Maya…Maya.” ayuu yiri Madaxweyne Trump.

  • Schwarz Pinterest Icon
  • Schwarz Facebook Icon
  • Schwarz Twitter Icon
  • Schwarz Instagram Icon

© 2020 DHAGAXTUUR