Suche
  • Dhagaxtuur

Taalada Dhagaxtuur


Dhammaan taalooyinkii dalka ee ay magaalada caanka ku ahayd sida tii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Xaawo Taako, SYL, Daljirka Daahsoon iyo Dhagaxtuur ayaa intuba burburay.


30 sano kadib ayaa Madaxweyne Farmaajo ku guuleystay in uu ku dhiso barnaamishka isxilqaan oo maanta wax badani qabsoomeen.


Hadal badan haan ma buuxsho casimada Soomaaliya waxa ay maanta mareysaa horumarkii ugu balaarnaaa waxa ayna hiigsaneysaaa in ay la tartanto caasimadaha aduunka.


Taalada Dhagaxtuur waxa ay astaan u tahay shacabkii halgamayaasha ah ee xaq u dirirka ahaa waana goobta muwaadiniin badan ay naftooda ku waaayeen "Soomaaliya Soomaali Baa leh".



Dhagaxtuur waxaa laga yaabaa in maanta dad badan oo Soomaliyeed in ayasan aqoon ama aysan war uhayn taariikhda.Taalada Dhagax tuur waxa ay u taagan tahay magaca halgamayaashii Somaliyeed oo dhan.


Hadaba waxaan maanta idiin soo gudbinaynaa taariikhda halgamaagii soomaliyeed ee Dhagaxtuur .

Dhagaxtuur waxay ehayd dagaal ka dhacay magaalada Muqdisho bishii Oktoobar 5 teeda 1949kii. Dagaalkaas waxoo u dhaxeeyay ururkii xornimo doonka ahaa ee SYL iyo gumeestihii Ingiriiska oo markaas heestay dalka oo dhan.


Aas aasihii S Y L Cabduqaadir Sakhaawudiin ayaa gacan wayn ka gaystey siduu ugu dhaadhicin lahaa gumaysiga in Soomaalidu ay joogto waqtigii ay xur noqon lahayd.

Dagaalkii dhagaxtuur waxoo dhacay markii gumeestihii Talyaaniga oo codsanaayay in oo maamulkiisa oo ku maamulaayo Soomaaliya oo sii wadanaayo.


Talyaaniga waxoo shirar badan la galay Qaramada Midoobay, wadamo ka mid ah Carabta iyo dalalka Yurub oo si weyn ah u doonaayay maamulida Soomaaliya.


Mudaaharaadyo balaaran ayaa ka dhacay caasimada muqdisho oo looga soo horjeeday gumeestihii talyaaniga, mudaaharaadyadaas waxaa soo dhexgalay booliiskii gumeestihii Ingiriiska oo digniin u jeediyay dadkii banaanbaxaayay, isla markaasna waxaa dhacday in dadkii mudaaharaadaayay ay dhagaxyo ku tuuraan askartii ingiriiska, waxeyna shacabka ugu jawaabeen rasaas. Waxaa dhintay 2 qof, waxaana ku dhaawacmay dad gaarayo ilaa 50 qof, halka askartii ingiriiska ay uga dhinteen ilaa 5 qofood.




Sawirka Taalada Dhagaxtuur habeenkii.

Taalada Dhagaxtuur habeenkii - Muqdisho

Hadaba maxaan ka baran karnaa dhalintii halgamayaashii SYL ee maanta heerkani na soo gaarsiiyay Allah ka sukow? SOOMAALIYA SOOMAALI BAA LEH!

Keep Smiling, It's Sunnah! Together we can make a difference.

#Gacmo #Wadajir #Ah #Somalia

Banaadir

Mudisho


Somaliland

Hargeysa


Puntland

Garowe


Galmudug

Dhuusomareeb


Koonfur Galbeed

Baraawe (ku meel gaar Baydhabo)


Jubbaland

Bu'aale (ku meel gaar Kismaayo)


Hirshabelle

Jowhar

  • Schwarz Pinterest Icon
  • Schwarz Facebook Icon
  • Schwarz Twitter Icon
  • Schwarz Instagram Icon

© 2020 DHAGAXTUUR