Suche
  • Dhagaxtuur

Gobolada Somalia waa imisa?

Muqdisho (Wararka Maanta Dhagaxtuur) - Soomaaliya waxa ay kamid tahay wadamada Afrika gaar ahaan kuwo ku yaalo geeska Afrika. Soomaaliya waxa ay leedahay badda ugu dheer Afrika marka laga reebo jaziirada Madagaskar. Qaarad ahaan waxaa nambar koobaad ku jira jaziirada Madagaskar oo lagu qiyaaso cabirkeeda 4,828 km halka dalkeena Soomaaliya uu leeyahay 3,333km.






Halkani waxaan ku soo bandhigeynaa liiska 10 ka dal ee ugu xeebaha dheer Afrika waxa ayna kala yihiin sida soo socoto..


Madagaskar, Soomaaliya, South Afrika, Mozambiiig, Masara, Eriteriya, Marookko, liibiya, Angoola, Namiibiya. Kaalimaha ay kaga jiraan xeebaha Afrika waa sidaan...



Aan u jaleecno gobolada dalkeena hooyo ee Soomaaliya waa imisa gobol?


"DAL WALBAA DADKIISA DHISO"

Soomaaliya waxa ay ka kooban tahay 18 gobol sida uu qabo dastuurka Soomaaliya Cutubka 1aad, Qodobka 7aad, faqradiisa 1aad, 2aad iyo 3aad.

Gobannimada Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay koobeysaa dhulka Jamhuuriyadda oo idil, oo ay ku jiraan berriga, jasiiradaha, biyaha goboleed, ururkooda, hawadooda iyo geyi-qaaradeedka.
Dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya waa laguma xad-gudbaan lamana qaybin karo.
Guddoon afti Qarameed oo keliya ayaa lagu oggolaan karaa waxkabeddelidda dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

18 ka gobol waxa ay kala yihiin sidaan

Tirada halkani ku xusani waa qiyaas ahaan waxna weey iska badali karaaan fadlan hadii aad su,aalo ama talo aad inoo soo jeedineyso fadlan la xiriir Dhagaxtuur oo inoogu soo dir email: dhagaxtuurso@gmail.com


Hadii aad tahay qoraa xusuusnow dalkaaga ayaa kuu baahan waana muhiim in aan taariikhdeena xusno si,wadajir ah.


Hadii aad ka heshay qoraalka halkani ku xusan waxaad la wadaagi kartaa asxaabtaada si,aad u gudato waajibaadka shaqsiyadeed ee kaa saaran dalkaaga iyo dadkaaga.


"Xusuusnow horumar waxaa lagu gaaraa wadajir ee laguma gaaro keli".

#WADAJIR #HALDAL #HALDAD #HALCALAN #SOMALIWEYN

  • Schwarz Pinterest Icon
  • Schwarz Facebook Icon
  • Schwarz Twitter Icon
  • Schwarz Instagram Icon

© 2020 DHAGAXTUUR